Yaa Abwaan ah? Ma wadaadka mise kan afarreey tuurta?


Yaa abwaan ah? Ma awga mise qofkii afarreey tuurta?

 

Ilaah baa mahad leh. Naxariis iyo nabadgelyo nabi Muxamed korkiisa ha ahaato.

 

Yey Soomaalidu u taqaannay abwaan? Waagii hore, Soomaalidu waxay abwaan u taqaannay qofka xakiimka ah! Xitaa waxay gaareen inay qofkaas ka horreysiiyaan wadaaddadii waagaas joogay. Qisadan hoose oo mala-awaalkaa baa tuseysa arrintaas:

 

 

Waxaa la yiri waxaa dhintay aabbe ka tagay afar nin oo midi wadaad yahay, midna geesi, midna deeqsi, midna abwaan. Waxay degenaayeen miyiga. Waxay isku qabteen qeybsigii dhaxalka aabbahood. Waxaa go’aansadeen inay tagaan magaalo hebla si loogu qeybiyo dhaxalka.

 

Waxaa la sheegaa markay tageen magaaladii inay dadkii magaalada degenaa dhaheen: horta intaan arrintiinna la gelin waxaa jira in maalin kasta markay galabtii tahay magaalada yimaadaan raxan libaaxyo ah oo maalin kasta qof loo xiro. Maanta Ilaah baa idin keenay ee bal qof na nasiya oo loo xiro libaaxyada iska soo saara! Hadalkii oo la hayo waxaa soo dhigtay raxantii libaaxyada ahayd! Abwaankii baa hadalkii qaatay oo yiri: war geesi? Geesigii wuxuu yiri ma heysto hub. Suuye deeqsi? Deeqsigii wuxuu yiri anaaba gaajo kax la ah! Suuye wadaad? Wadaadkii wuxuu yiri: libaaxu ALAMTARUU leeyahoo soo dhaaf! Halkaas markay marayso baa abwaankii ku jeestay libaaxyadii isagoo leh: waxaa igu jira cad yar oo jowharad ah oo ku filan hal libaax. Idin ma qeybsantee iska soo saara kii cuni lahaa cadkaas? Gooshii baa soo boodday dabadeedna aarkii baa dharbaaxo kaga soo qaaday! Birinbirqadii baa soo orodday kaddibna cagabaruurkii baa dharbaaxay. Yaana hadal idinku daaline, libaaxyadii labo labo bey isu qabsadeen dabadeedna abwaankii wuxuu dadkii ku yiri: laaya oo ku bilaaba warmo iyo waxaad qalab heli kartaan! Sidaas baa dadkii magaalada joogay ku xoroobeen!

 

 

Si doqon-ma-garato ah waxay qisadani caay ku tahay wadaaddada! Marka hore waa iyadoo la leeyahay wadaaddadaas waxba axkaam kama aqoonin ileyn hadduu dhaxal yaqaan wadaadku; uma safreen magaalo foge! Maaddaama uu qeybta ku jiro in la yiri kuguma kalsoonin waa dhici kartaa! Tan labaad waa in nin kale oon wadaad ahayn laga dhigay mid xakiim ah! Tan seddexaad waa in wadaaddada loo tiirinayo quraafad! Maxaa suuratul Fiil iyo libaaxyo iska galay?
Haddaan Soomaali nahay yaa nooga baahi badan inaan helnno abwaankaas oo kale oo naga qabta Itoobiya iyo gaalada kale oo dadkeennii iyo dalkeennii barri iyo badba loo loogay!

 

Dadka yaa xigmad leh?

أَمْ يَحْسُدُونَ النَّاسَ عَلَىٰ مَا آتَاهُمُ اللَّهُ مِن فَضْلِهِ ۖ فَقَدْ آتَيْنَا آلَ إِبْرَاهِيمَ الْكِتَابَ وَالْحِكْمَةَ وَآتَيْنَاهُم مُّلْكًا عَظِيمًا
An-Nisaa 54

 

فَهَزَمُوهُم بِإِذْنِ اللَّهِ وَقَتَلَ دَاوُودُ جَالُوتَ وَآتَاهُ اللَّهُ الْمُلْكَ وَالْحِكْمَةَ وَعَلَّمَهُ مِمَّا يَشَاءُ ۗ وَلَوْلَا دَفْعُ اللَّهِ النَّاسَ بَعْضَهُم بِبَعْضٍ لَّفَسَدَتِ الْأَرْضُ وَلَٰكِنَّ اللَّهَ ذُو فَضْلٍ عَلَى الْعَالَمِينَ
Al-Baqarah 251

 

رَبَّنَا وَابْعَثْ فِيهِمْ رَسُولًا مِّنْهُمْ يَتْلُو عَلَيْهِمْ آيَاتِكَ وَيُعَلِّمُهُمُ الْكِتَابَ وَالْحِكْمَةَ وَيُزَكِّيهِمْ ۚ إِنَّكَ أَنتَ الْعَزِيزُ الْحَكِيمُ
Al-Baqarah 129.

 

Nabiyaasha keliya maahee; cidduu doono buu Ilaah xigmad siiyaa laakiin waa dadkuu kheyrka la doonay.

يُؤْتِي الْحِكْمَةَ مَن يَشَاءُ ۚ وَمَن يُؤْتَ الْحِكْمَةَ فَقَدْ أُوتِيَ خَيْرًا كَثِيرًا ۗ وَمَا يَذَّكَّرُ إِلَّا أُولُو الْأَلْبَابِ

Al-Baqarah 268

 

 

Waa ayo dadka nabiyaasha ku xiga ee xigmadda la siiyey?

 

إن العلماء ورثة الأنبياء وإن الأنبياء لم يورِّثوا دينارًا ولا درهمًا، إنَّما ورَّثوا العلم،

 

Xaddiiskaas Abu Daa’uud, Tirmidi, iyo Ibnu Maajah iyo qeyrkood baa wariyey. Wax halaga sheeko laakiin micnaha xaddiiskaas labo qof iskuma khilaafin.

 

Maxaa keenay in hal-abuurradu sheegtaan inay abwaanno yihiin?

 

Waqtigaan la joogo xikmaddu waxay noqotay baadida hal-abuurrada! Kii afarreey tuurta ama haweentii buraanbur tirisaba waxaa la leeyahay waa abwaan iyo abwaanad! Haddaan Soomaali nahay waxayba u muuqataa cidda keliya oo xigmad sheegataa waa hal-abuurrada!

 

Arrintaas darteed baan anigu hadda daneynayaa bal inaan waraysi iyo la-sheekeysi la yeesho hal-abuurradaas haddii Ilaah idmo.

Si kastaba ha ahaatee; dadkeennu waxay u baahan yihiin qof xigmad leh oo sidii libaaxyada yar ee magaalo dhan iska harawsaday oo maalin kasta qof loo xiri jiray in la helo dad naga qabta cadowgaan labo-diblaha iskugu xirnnay.

 

 

Hadda waxaan bilownnay barnaamijyo live ah oo ka baxaya barteenna facebook. Waxaan rabnnaa inaan ku casuunno dadkaas kala duwan ee sheekadaas ka hadlayso si looga doodo saan uga bixi lahayn xaaladdaas xun ee dadkeennu ku jiro.

C/Waaxid C/Laahi Khaliif
abdulwahidkhalif@hotmail.com

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *