Waa kee halka cudur ee dilaaga ah ee na seejiyey labada daaroodba! Qeybta 1aad.


 

 

Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato.

 

 

Waxaan hordhicii ku soo marnnay inaan ku andacooday in cudurkaasi yahay kan ugu daran ee qof ku dhaca! Sidoo kale waxaan soo sheegay inaanan sheekhna ahayn dhakhtarna ahayn! Sidaas darteed waxaa ku filan in leey yiraahdo: 114-ka baan aqaan; kaa akhrisanaya baa ka horreysa! Waxaan kaloo soo iri hadday sheekh hebel iyo hebel noolaan lahaayeen ama qaar xanuunsan oo da’ ah noo muxaadareyn karaan inaan markhaati gashan lahaa! Soo-qaadashada arrinta sheekhyadaas aan markhaatiga gashanayo ee qaarna Allaah u noqdeen; qaarna sariir ku urureen waxaa dhici kara inay dhiirrigeliso qolyaha laga yaabo inay qoraalkan mucaaradaan oo dhahaan: beenloow qof dhintay iyo mid dheer buu markhaati gashadaa!

 

Arrinta kale ee is-weydiinta lihi waa muxuu yahay qalabka la isticmaalay ee cudurka lagu ogaaday sida cudurrada caadiga ah loogu ogaado iskaanka, raajada, qalaba kale, iyo calaamado muuqda oo dhakhtarku arki karo?

 

Qof baa is dhihi kara: ma Shirki cudur ka weyn baa jira! Horta waxaa la rabaa in qofku is waafajiyo arrimaha is leh. Culumadu waa sheegaan inuusan jirin wax ka xun ilxaadka sida qofka oo diida in Allaah jiraba! Waxaa ka sii yaab badan: qofka isagu sheegta inuu ilaah yahay sidii Fircoon! Saasooy tahay, cudurradaas waxaan kala bah dhignnay shirkiga! Sidaas oo kale baan rabaa inaan cudurkaan sheegi doono haddii Ilaah idmo aan hoos gasho bahda cudurrada laysku dhaho fidro-xumo.  Maaddaama aan hordhicii ku soo sheegay in cudurkaan sheegayo laga dhasho iyadoo ubadku ka bad qabaan, anoo cudurkaas hoos geeyey fidro-xumo bal aan soo qaato daliil sharci ah oo tusaya inaan fidro-xumo lagu dhalan:

 

 عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ , أَنَّ رَسُولَ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ , قَالَ : ” كُلُّ مَوْلُودٍ يُولَدُ عَلَى الْفِطْرَةِ , فَأَبَوَاهُ يُهَوِّدَانِهِ وَيُنَصِّرَانِهِ وَيُمَجِّسَانِهِ , كَمَا تُنْتَجُ الْبَهِيمَةُ بَهِيمَةً هَلْ تُحِسُّونَ فِيهَا مِنْ جَدْعَاءَ “

 

Waxaa Abuu Hureyra (RC) Nabiga (SCW) ka warinayaa inuu yiri: ilmo kasta oo la dhalo waxaa lagu dhalaa fidrada laakiin waalidkiis baa ka dhiga yuhuud ama kiristaan ama majuus sida xayawaanku u dhasho (iyagoo bed qaba); miyaadan aragtaan wax furo, heylo, dacalo, iyo sarmo leh?

 

Waxaa kaloo Imaamu Muslim (RC) wariyey. Micnaha Xaddiiska hoose oo kooban gadaal baan ugu tagi doonnaa haddii Ilaah idmo.

 

 

عَنْ عِيَاضِ بْنِ حِمَارٍ الْمُجَاشِعِيِّ عن النَّبيِّ  فيما يرويه عن الله ـ تبارك وتعالى ـ قال : إِنِّي خَلَقْتُ عِبَادِي حُنَفَاءَ كُلَّهُمْ ، وَإِنَّهُمْ أَتَتْهُمُ الشَّيَاطِينُ فَاجْتَالَتْهُمْ عَنْ دِينِهِمْ ، وَحَرَّمَتْ عَلَيْهِمْ مَا أَحْلَلْتُ لَهُمْ ، وَأَمَرَتْهُمْ أَنْ يُشْرِكُوا بِي مَا لَمْ أُنْزِلْ بِهِ سُلْطَانًا

 

 

 

Labada xaddiis midna erayga fidro buu soo qaatay midna xaniif (xunafaa). Inkastood markaad fiirisid tafaasiirta Aayadda soo socoto aad arkeyso in laga yiri hadallo badan sida in fidradu tahay Diinta Islaamka ama sunida Ilaahay ama xanafiyada haddana Nasuustaas fahankeedu wuxuu u cad yahay sida qorraxda.

 

فَأَقِمْ وَجْهَكَ لِلدِّينِ حَنِيفًا فِطْرَةَ اللَّهِ الَّتِي فَطَرَ النَّاسَ عَلَيْهَا لَا تَبْدِيلَ لِخَلْقِ اللَّهِ ذَلِكَ الدِّينُ الْقَيِّمُ وَلَكِنَّ أَكْثَرَ النَّاسِ لَا يَعْلَمُونَ  الروم : 30

 

 

Waxaan arkaa muslimiin markay la doodayaan dad  aan muslim ahayn soo qaata xaddiiskaas ah in ilmo kasta ku dhashaan fidrada iyagoo u dhigaya in ilmo kasta  dhasho isagoo muslim ah! Waa ka hoos baxday arrintu qofkii u qaba in ilmuhu dhashaan iyagoo yaqaan Waxyigii Nabi Muxmed (SCW) lagu soo dejiyey iyo Axkaamtuu lahaa:

 

خذوا عني مناسككم

Sidaas darteed arrinta fidrada la xiriirta waa wax Ilaahay u dhammeey dadka oo iyagoo dhammeys ah bey ku dhashaan, kaagamana baahna barasho halka Waxyiga lagu soo dejiyey Nabi Muxamed (SCW) kaaga baahan yahay barasho oo Suubbanaha (SCW) kaddib ma jiro cid koobi karto Diinta Islaamka xitaa haddaan waqtigeennoo dhan gelinno! Haddii waalid muslim ah ku dhaleen waxaa la rabaa in firdada laga difaacdo sheydaan halka Waxyigii Nabigu (SCW) lagu soo dejiyey kaa rabo barasho iyo in laga difaacdo sheydaan.

 

Ilaah baa arrimaha u cilmi leh. Anigu fidrada iyo Waxyiga oo wada jira baan Diinta Islaamka u fahmayaa. Tusaale ahaan marka Nabigu (SCW) leeyahay:

 

 الحج عرفة

 

Carafa waa qeyb ka mid ah Xajka. Waa ognahay in Acmaasha Xajka inteeda badan la sameeyo Maalinta Weyn ee 10-naad! Micnuhu maaha haddii Carafa la istaagay in Xajkii kaa dhacay. Sidoo kalana  ma lihi Fidradaa ka weyn Waxyiga; keliya waxaan leeyahay arrinta fidradu waa muhiim oo haddii qofku fidrada ka halowdo waxaa dhici karta in Waxyiga la bartay kuu kordhiyo xujo iyo cadaab! Waxaan soo qaadanayaa tusaale kale anoo fidrada lagu dhasho oo saliimkaa ka dhigaya dhulka carosanka ah ee Xaddiiska soo socda sheegayo. Waxyiga Nabigu (SCW) la yimidna waa sida Xaddiisku ugu mitaalayo roob badan.

 

عن أبي موسى الأشعري رضي الله عنه عن النبي صلى الله عليه وسلم أنه قال: (مثل ما بعثني اله به من الهدى والعلم كمثل الغيث الكثير أصاب أرضاً ، فكان منها نقية قبلت الماء فأنبتت الكلأ والعشب الكثير ، وكانت منها أجادب أمسكت الماء ، فنفع الله بها الناس فشربوا وسقوا وزرعوا ، وأصاب منها طائفة أخرى إنما هي قيعان لا تمسك ماءً ولا تنبت الكلأ فذلك مثل من فقه في دين الله ونفعه ما بعثني الله به فعلم وعلم ، ومثل من لم يرفع بذلك رأساً ، ولم يقبل هدى الله الذي أرسلت به) . ( رواه البخاري ، كتاب العلم ، باب فضل من علم وعلم 1/175 ، ومسلم كتاب الفضائل ، باب بيان مثل ما بعث النبي صلى الله عليه وسلم ، في 4/787 برقم 2282)

 

Abuu Muusaa Al-Ashcari (RC) wuxuu Nabiga (SCW) ka warinayaa inuu yiri: tusaalaha wixii Ilaah ila soo diray ee hanuun iyo cilmi ah wuxuu la mid yahay sidii roob badan oo kale oo haleelay dhul. Dhulka waxaa ka mid ah boqcad carrosan ah oo biyihii qaabishay kana soo baxeen doog iyo naq badan. Waxaa ka mid ah dhulka qeyb adag oo biyaha qabatay, Ilaahay ku anfacay dadkii, xoolihiina cabbeen, beerihiina ka waraabsadeen. Waxaa ka mid ah dhul bannaan oon biyo qaban; doogna ka soo bixin. Sidaasoo kale waa qofka fahma diinta  Ilaahay kuna intifaaca isagoo baranaya, dadkana sii baro. Tusaale kale waa midkaan madaxa kor ula kicin, aanan aqbalin hadyigii Ilaah ila soo diray. Labada sheekhba Xaddiiska waa wariyeen.

 

Saan hordhicii ku soo sheegay ilmuhu wuxuu ku dhashaa fidrada saxda ah sida isagoo ah carrosan. Haddii waalidkiis gaalo yihiin waxay ka dhigaan dhul gawaan ah oon wax ka soo bixin. Sidoo kale qofkii oo waalidkiis muslim yahay baa markuu weynaado waxaa ka xumaan kara fidrada markuu sheydaan iska celin waayo! Halkaas waxaa nooga cad in fidradu tahay aasaaska. Hadday xumaato, cilmi diineed oo kasta ood barato wuxuu la mid yahay roob ku da’aya dhul bacaad ah! Maxaa ka soo bixin? Diinta Islaamku waxay u urursan tahay oo meel kasta u gaartay si aan horay loo arag saasooy tahay cudarkaan sheegayo baa intuu nagu dhacay, naga dhigay bacaad aan roobkii wax naga soo saareyn.

 

Sheydaanku isagaa fahmay muhiimadda fidradu leedahay wuxuuna sababaa cudurkaas aan sheegayo ee dadka bacaad ka dhigaya! Fiiri Xaddiiska hoose.

 

 

عَنْ عِيَاضِ بْنِ حِمَارٍ الْمُجَاشِعِيِّ عن النَّبيِّ  فيما يرويه عن الله ـ تبارك وتعالى ـ قال : إِنِّي خَلَقْتُ عِبَادِي حُنَفَاءَ كُلَّهُمْ ، وَإِنَّهُمْ أَتَتْهُمُ الشَّيَاطِينُ فَاجْتَالَتْهُمْ عَنْ دِينِهِمْ ، وَحَرَّمَتْ عَلَيْهِمْ مَا أَحْلَلْتُ لَهُمْ ، وَأَمَرَتْهُمْ أَنْ يُشْرِكُوا بِي مَا لَمْ أُنْزِلْ بِهِ سُلْطَانًا

Imaamu Muslim baa weriyey.

 

Saxaabigu wuxuu Nabiga (SCW) ka warinayaa in Xaddiis Qudsi Ilaah ku leeyahay: Anigu waxaan abuuray addoomaheyga iyagoo xunufo ah kulligood, arrinkuse wuxuu yahay waxaa u timid shaydaamo oo diintii ka leexiyey, kana xarrimay waxaan u xalaaleeyey, kuna amray inay Aniga wax ila wadaajiyaan cibaadada wax aanan usoo dejin.

 

 

Waxaan Nasuustaas oo dhan u keensaday inaan dadka tuso inaan cudurkaan soo wado galay cudurrada la yiraahdo fidro xumaatay. Ogaada shirkiga laftiisaa ka dhasha fidro xumaatay. Dadka caafimaadka wax ka yaqaan waa ogyihiin in fahanka iyo daaweynta calaamadaha cudurka keliya aan la rabine la rabo in la ogaado waxa keena cudurka, ka-hortaggiisa, iyo hadduu dhaco daaweyntiisa. Cudurkaan sheegayo waxaan dhihi karaa wuxuu ku bah yahay cudurrada shirkigu ka dhasho – fidro xumaatay! Haddaba su’aasha taagan waxay tahay ma cudur saas u weyn baa ah wax la sahlado? Inshaa Allaahu, qormada ku xigta waxaan kaga hadli doonaa cudurka magaciisa iyo qalabka lagu ogaado in cudurkaasi jiro ama intuu gaarsiisan yahay! Kaddibna haddii Ilaah idmo waxaan ku soo qaadan

doona qaybaha ku sii xiga sida cudurkaasi Soomaali u aafeeyey iyo haddaan daawo loo helin cudurkaas ineynaan adduunyo liibaaneyn; aakhirina aan rajo loo sheegin qofkii cudurkaas ku sifooba!

 

C/Waaxid C/Laahi Khaliif

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *