Qisooyinka Nabi Muuse (CS) oo Daawo u ah Dadka la Addoonsado! Qeybta Koowaad!


 

 

الحمد لله والصلاة والسلام على رسول الله وعلى آله وصحبه أما بعد

 

Afeef: Saan hordhaca ku sheeggay waxaan tusaale noo ah Hadyigii Nabi Muxamed (SCW). Cinwaankani wuxuu dabo joogaa kii dheeraa ee ahaa:

 

Haddii Nabi Reer Banii Israa’iil ah Tusaale loo soo Qaadanayo marka lagu Jiro Gumeysi sida Soomaalida Heysata oo kale; kee Mudan in la soo Qaato Nabi Muuse (CS) ama Nabi Yuusuf (CS).

 

 

Qisooyinka ka hadlaya Nabiyaashaas waxaa na baray Islaamka. Inkastoon qoraalkeyga ku saleynaan doono Islaamka haddana wuxuu ku jiheysan yahay wadaaddo dadka niyad jabinaya oo soo qaadanaya qisooyin kale oo Islaamku xusay sida tii Nabi Yuusuf (CS) dabadeedna ka dhalinaya in gaalada lagu hoos noolaan karo oo lala shaqeysan karo! Xaqiiqdii, sidaan arki doonno, degetiaankii reer Banii Israa’iil deggeen Masar waxay ka qaadeen addoonsi! Saan hor dhaca ku sheegay: waxaa la weydiinayaa wadaaddada qisada Nabi Yuusuf (CS) soo qaadanaya inaan boqollaal sano ku hoos jirnno Tigree, Burundi, Kenya, iyo gaalomadow kale? Nabi Yuusuf (CS) shuqul kuma leh meeshay ku dambeysay xaaladda reer Banii Israa’iil.

 

Qeybta Koowaad

 

Waxaan sidoo kale hordhaca ku sheegay in su’aal isku nooc ah oo  la weydiiyey Nabiga (SCW) sida camalka ugu fadliga badan ama sharka kiisa ugu daran; in Towxiidka oo Acmaasha ugu fiican iyo Shirkiga oo dambiyada ugu weyn kaddib in Nabigu (SCW) markay acmaasha fadliga leh joogto uu mar mar ku xijin jiray Jihaadka, ama waalidka oo loo baarrinimo sameeyo ama Xajka Mabruurka ah. Markay dambi joogtana, Shirkiga kaddib, waxuu sheegi jiray dambiyo kale sida dilka ama Shahaado-zuurka, ama cuquuqul waalideyn ama zinada! Waxaad mooddaa in Nabigu (SCW) hadba qof kaas uu jiheynayo. Marka gumeysiga lagu jiro waa in mowduucu noqdaa dhiidhiyid iyo gumeysi-iska-xoreyn! Ma imaan karto wax dadka loo niyad jabiyo!

 

Isla hordhicii baan ku sheegay in Nabiga (SCW) markii Makah la joogay ee Muslimiinta la daciifsan jiray uu niyadda u dhisi jiray Saxaabada (RC)! Xitaa saxaabadii loo diray Xabasha; lama sheegin meel ay kula shaqeeyeen boqorkii caadilka ahaa ee Najaasha! Yaa garanaya meel saxaabadu ka shaqeeyeen shaqooyin Islaamka wax u dhimaya markay Najaasha la darseen? Meel ay ku rideen xukun ka soo horjeeda Islaamka? Weliba Najaasha oo ogaa inay yihiin Saxaabo sharaf leh, kuma casuumin inay la walaaqdaan waxay faraha kula jireen qolyihii masiixiyiinta sheeganayey ee hoos joogay boqorkaas!

 

Isla hordhicii waxaan ku soo marnnay in markii Saxaabada lagu dhibay Makah eey ku dhaheen Nabiga (SCW): noo gargaar dalab oo noo ducee waatii Nabigu (SCW) yiri maqaalkaan soo marnnay! Wuxuu xasuusiyay in ummadihii hore la dhibi jiray ayna ka bixi jirin diintooda! Wadaaddada innagoo Muslim ah noogu yeeraya dullinimada; xaggee Nasuustaasi ka martay? Haddaba waxaan guda galeynnaa Nabigaas reer Banii Israa’iil een doorannay – Muuse (CS).

 

 

Cibro-qaadashada Koowaad

 

Qofkii Ilaah fahan siiyey, wax kastoo Islaamku sheego wuxuu ka helayaa cibroqaadasho! Waxaad mooddaa inaan ku jirnno xaalad u eg tii reer Banii Israa’iil ku jireen dhalashadii Nabi Muuse (CS) ka hor! Reer Banii Israa’iil ma ahayn dad cawaan ah oon Xaqu u soo caddaan ee waa soo barteen Towxiidka oo waxay ku abtirsadaan Yacquub – Isxaaq- Ibraahim (CS). Qaarkood waxay kasii farcameen Nabi Yuusuf (CS).Qofkii u qaba inaysan Towxiid aqoon ha fiirsho Aayadda ka hadleysa markii Yacquub (CS) dhimanayey:

 

أَمْ كُنتُمْ شُهَدَاءَ إِذْ حَضَرَ يَعْقُوبَ الْمَوْتُ إِذْ قَالَ لِبَنِيهِ مَا تَعْبُدُونَ مِنْ بَعْدِي قَالُوا نَعْبُدُ إِلَهَكَ وَإِلَهَ آبَائِكَ إِبْرَاهِيمَ وَإِسْمَاعِيلَ وَإِسْحَاقَ إِلَهًا وَاحِدًا وَنَحْنُ لَهُ

مُسْلِمُونَ

 

Allaah baa leh haddaan Afsoomalaahi ahaan u beddelo:

 

Miyaad goobjoog ahaydeen waqtigii geeridu u timid Yacquub markuu ku yiri ilmihiisa: maxaad caabudeysaan gadaashay? Waxay dhaheen waxaan caabudeynnaa Ilaahaaga iyo Ilaaha aabbayaashaa Ibraahiim, Ismaaciil, iyo Isxaaq – Ilaah Keli ah- Isagaanna u hogaansameynnaa.

 

Reer Banii Israa’iil waxay ka baxeen khadkii ilaa ay noqdeen dad u khidmeeya Faraaciinnada Masar! Waxaa la-yaab leh: see ummadda Nabi Muxamed (SCW) u gaareen meesha ay hadda joogto ilaa dad daanyeero cuna sida kuwa u dhashay Burundi, Kenya, Ugaandha, iyo Tigreegu na addoonsadaan? Anigu waxaan qabaa in inteenna badan xaaladdoodu ka xun tahay tii reer Bani Israa’iil markay madiidinka u ahaayeen Faraaciinnada! Reer Bani Israa’iil markaas ma heysan Towraat oo saas u kala dhigdhigan laakiin innagu waxaynu heysannaa Qur’aan iyo Axaddiis; saasooy tahay halkaas baannu gaarnnay!

 

Haddii Fircoon si uun ku ogaaday in wiil ka soo bixi doona reer Banii Israa’iil gacantiisa lagu halaagi doono, baa gaaladu hadda ogtahay in kooxda loo gargaarayo ay kala tuuri doonaan hogaanka reer Galbeedka! Cibroqaadashada ku jirta, oon Soomaali badan oo wadaaddada ku jiraan u sheegayaa waxay tahay: haddii Fircoon qaban waayey wiilkaas oo weliba Muuse (CS) gurigiisa ku soo koray gurigii Fircoon; see gaaladu u damin karaan Nuurka Ilaahay? Sideebayse Shareeco u hor istaagi karaan? Muxuu yahay wadaadka aan fahmeyn qisadan?

 

Waa tan la sheego in Fircoon yiri: saan wiilba iigu soo bixin waxaan dilayaa wiil kasta oo loo dhalo reer Banii Israa’iil! Kaddib dadkii Fircoon baa yiri: haddaad wiil kasta disho; muddo kaddib nimanka waaweyn waa dhimanayaan; yaa noo adeegaya haddii tarankii istaago? Marka waxay kula tasheen: inuu sanadna dilo; sanadna baajiyo! Waxaa la sheegaa in Nabi Muuse (CS) la dhalay waqtigii ilmaha la bireyn jiray! Qur’aanku arrinta ilmo bireynta waa sheegay:

 

وَإِذْ نَجَّيْنَٰكُم مِّنْ آلِ فِرْعَوْنَ يَسُومُونَكُمْ سُوۤءَ ٱلْعَذَابِ يُذَبِّحُونَ أَبْنَآءَكُمْ وَيَسْتَحْيُونَ نِسَآءَكُمْ وَفِي ذَٰلِكُمْ بَلاۤءٌ مِّن رَّبِّكُمْ عَظِيمٌ

 

 

Maaddaama qisooyinkaas caan yihiin waan soo gaagaabinayaa. Arrintii hooyada Muuse (CS) waa tii loo sheegay inay badda/webiga ku tuurto. Haddii Fircoon qaban waayey hal wiil; sidee reer Galbeed uga takhalusi karaan Kooxda loo gargaarayo?

 

Cibroqaadashada labaad

 

Yaan loo qaadan in danta qoraalkeygu yahay ka-hadalka qisadii Nabi Muuse (CS) oo dhammeys tiran sidaad darteedna la iga rabo inaan iskugu xijiyo siday ukala mudan yihiin! Waxaa dhici karta inaan mararka qaarkood ka tago waqti iyo waxyaalo muhiim ah anoo xeerinaya yaraynta qoraalka! Waad aragtaan inaan soo gaabshay arrintii markii Muuse (CS) oo markaas dhashay sanduuqiisii/sariirtiisii biyaha lagu tuuray iyo sidii walaashiis u dabo gashay!

 

Ilaahay baa u diiday Nabi Muuse (CS) inuu aqbalo in dumar kale nuujiyaan! Maxaa qisada sabigaas laga baranayaa? Hooyo-jacayl? Dhuuniga hooyadaa iyo dhulkaagu ku siiyo ka fiican midka dadka kale! Innaga Soomaalida ah; ma arag wax nala dabeecad ah! Waxaa la caayi jiray qof karsanaya haruur uu beertay? Waxaa caayaya mid karsaday baasto qallalan oo uu shaxaad ku keenay! Wadaaddo badan waxay ku caqli noqdeen shacabkii Soomaaliyeed ee saas u dhaqmi jiray. Waa iyaga cidda u baahan baraarujin!

 

Wiilkii Fircoon halaagi lahaa ee intaas oo wiil dartiis loo laayey; imisa saacadood ka soo wareegtay inuu hooyadiis la midoobo? Waa uun saacado! Wiilkii halkaas buu caanihii hooyadiis nuugayaa; weliba iyadoo hooyadiis lacag ku qaadaneyso nuujinta wiilkeeda! Maxaa halkaas kaaga baxay? Yaan loo qaadan inaan qabo fikradda ah: Muslimiin qurbaha ku soo koray ama joogay baa sidii Muuse (CS) kala tuuraya reer Galbeedka! Anigu waxaan qabaa in Shareeco-isku-xukun lagu keeni karo sidii hore ee Jihaadka ahayd oo keliya! Cibroqaadashadu waxay tahay: inaan Fircoon iyo reer Galbeed midna hor istaagi karin

Qorshaha Ilaahay.

 

La soco Qeybta Labaad. Nabi Muuse (CS) oo Qasri ku soo koray oo Qabbaanimo Diiday iyo Innagoo Qaxar iyo Qarfo ku Dhallannay oo Dulli Qaayibnnay!

 

Insha Allaahu waxaan rabaa inaan qoraalkan muddo yar ku dhammeeyo. Marka si joogto baan u soo qorayaa. Marka waa inaan yareeyo qoraallada. Marka qeybta labaad haddii Ilaah idmo waxaan ku bilaabi doonnaa waa Nabi Muuse (CS) oo qasri iyo raaxo ku soo koray oo diiddan dulliga kana dhiidhiyey! Goorma? Intaan Nabi laga dhigin! Innaguna? Innigoo miyi iyo rafaad ku dhallannay baan dhib-ka-carar dartiis diyaar u nahay dullinimo iyo diinta Islaam loo adeegsado in lagu caawiyo cadowga Ilaahay iyo Muslimiinta.

 

C/Waaxid C/Laahi Khaliif

 

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *